Nin xaaskiisa gubay kaddibna ka cararay iyada oo si xun u gubanaysa sababtu maxay tahay

Weligaa ma laguu gubay bariis aan ku amrin maxaad u karisay?
Haweenka waxay inta badan ku mashquulsanyihiin shaqada guriga oo ay ka mid tahay inay cunno dhadhan leh u kariyaan odayga iyo carruurta.
Waqti, dadaal iyo maskax ayay howshan geliyaan balse waxaa mararka qaar dhacda inay shaqadan qabanayaan iyagoo aan maalinkaasi la tashan madaxa reerka.
Waxaa dhacdo in xaasaska qaar lagu qeyliyo ama lagu canaanto maxaad u karisay cunto aan wanaagsanayn balse weli ma ku qabsatay in lagugu yirahdo maxaad dooqeyga u baal martay.
Waxaaba ka sii daran in dadaalkaaga aan laguu qirin oo aad fal arxaan darro ah ku muteysato.
Haweenay 27 jir ayaa la dhigay isbitaalka ismaamulka Kirinyaga kaddib markii uu ninkeeda gubay sababtoo ah waxay u karisay bariis halka uu doonayay ama dooqiisu ahaa Githeri ama canbuulo oo ka kooban galeey iyo digir la dallacay.
Ninkan ayaa haweeneyda ka cararay iyadoo si xun u gubanaysa waxaana soo badbaadiyay dad goob jooga yaal ah halka xaaladeeda caafimaad lala tacaalayo.
Haweeneyda uu dhibka soo gaaray habar yarteed ayaa warbaahinta u sheegtay in Peter Ngugi oo 32 jir ah uu amar ku bixiyay in maalinkaasi reerka loo kariyo cambuulo ama Githeri balse xaaskiisa ay iska dhaga tirtay oo ay bariis ku tuurtay.
Isagoo ka careysan amar diidada xaaskiisa ayuu ku tuuray xaaskiisa makiinadda cunnada lagu kariyo taasi oo u gaysatay dhaawacyo halis ah.
Lamaanahan ayaa isqabay 2 sano iyaga oo isku dhalay 2 caruur ah waxa aayna ku nolaayeen tuulada Ngurubani , deegaanka Mwea ee ismaamulka Kirinyaga.
Haweeneyda dhibaatadan loo gaystay ayaa hadda ku jirto isbitaal si gaar ah loo leeyahay oo ku yaalla Mwea waxayna wararku sheegayaan in xaaladeeda aynan aad u liidan.
Ku simaha taliyaha saldhigga booliska ee bariga Mwea ,Lucas Chebet ayaa laga soo xigtay in ninka xaaskiisa gubay la raadinayo si gacanta loogu soo dhigo kaddibna maxkamadda loo soo taago.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here