Nin xaaskiisa gubay oo la xiray

Ciidamada booliska ayaa gacanta ku dhigay nin toddobaad ka hor xaaskiisa ku gubay ismaamulka Bomet kaddib khilaaf soo kala dhexgalay.
Eedeysanaha ayaa lagu magacaabaa Robert Tonui waxaana xaaskiisa oo macallimad ahayd lagu magacaabi jiray Emmy Chepkoech Mitey.
Dhacdadan ayaa isbuucii hore laga soo tabiyay degmada Seanin ee Bomet waxaana ninkan laga soo qabtay dowlad deegaanka Kericho.
Taliyaha booliska ee deegaankaas Alex Shikondi ayaa sheegay in dambiilaha beeri oo Arbaco ah maxkamad la soo taagi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here