Ninka adduunka ugu taajirsan haatan oo leh 202 billion oo doolar

Jeff Bezos wuxuu horey u ahaa ninka aduunka ugu taajirsan.
Hadda qiimaha hantidiisa ayaa mar kale kor u soo kacay, isaga oo dhigay rikoor cusub.
Jeff Bezos ayaa ah madaxa shirkadda Amazon.
Arbacadii, hantida madaxa shirkadda ee Amazon ayaa lagu qiyaasay $ 202 bilyan oo u dhiganta 21.9 tiriliyan lacagta Kenya, sida lagu sheegay jariidada Bloomberg Billionaires, maaddaama saamiyada shirkaddu kor u kacday.
Taasi ayaa ah ilaa iyo $ 87 bilyan oo doolara oo u dhiganta 9.4 tiriliyan lacagta Kenya tan iyo bishii Janaayo.
Bezos, oo aasaastay shirkadda Amazon 1994, ayaa ku ilaashanaya diiwaankiisa hantida rekoorkan cusub.
Sanadkii 2017, wuxuu noqday qofka ugu qanisan Dunida.
Balse bilyaneerada keligiis maahan – ganacsadeyaal kale oo dhanka teknolojiyad ah ayaa si aad ah u faa’ideystay xilligan caabuqa corona iyada oo baahida loo qabo badeecadahooda iyo adeegyadooda shirkadaha ay sii kordhayaan.
Horraantii bishaan, Maareeyaha Shirkadda Facebook (FB) Mark Zuckerberg ayaa hantidiisa kor u dhaaftay $ 100 bilyan oo doolar oo u dhiganta 10.8 tiriliyan shilinka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here