Ninka ugu taajirsan Algeria oo maxkamad la soo taagay

Waxaa maxkamad la soo taagay hantiilaha ugu taajirsan dalka Algeria ,Issad Rebrab kaddib markii lagu eedeyay inuunan canshuur bixin sido kalena uu sameeyay dembiyo dhanka maaliyadda ah.
Waxaa uu ka mid ahaa maalqabeeno dhowr ah oo la xiray bishii afaraad ee sannadkii tagay.
Howlgallada ninkan iyo shakhsiyaadka kale xabsiyada loogu taxaabay ayaa qeyb ka ahaa baaritaano la xiriiray musuqmaasuqa.
Waxay ku soo aadeen kaddib markii uu iscasilay madaxweyne Cabdulcaziiz Bouteflika.
Rebrab oo 74 sano jir ah ayaa maxkamadda lala soo taagay eedeysanayaal kale waxaana loo haystaa inaynan u hoggaansamin shuruucda u degsan sarifka lacagaha qalaad hasa ahaate eedeymaha loo soo jeediyay ayuu iska fogeeyay.
Majalladda Forbes magazine ayaa ninkan ku sheegtay inuu yahay midka ugu taajirsan dalka Algeria wuxuuna qaaradda Afrika dhanka hantida kaga jiraa nambarka lixaad.
Hantidiisa ayaa sannadkii 2019-kii lagu sheegay inay dhan tahay 3.9 bilyan oo doolar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here