Ninkii gaystay weeraradii New Zealand oo go’aankiisa wax ka beddelay

Brenton Tarrant oo ah nin dhalasho ahaan ka soo jeedo Australia oo lagu eedeyay weeraro bishii saddexaad ee sannadkan ka dhacay dalka New Zealand ayaa maanta oo khamiis ah sheegay inuu ka laabtay go’aan uu horay u qaatay.
Go’aankaasi ayaa ahaa in dhageysiga dacwadaha uu wajahayo loo wareejiyo maxkamad ku taalla magaalada Auckland .
Waxaa uu isbeddelka ku yimid go’aankiisa ka sheegay maxkamad ku taalla magaalada Christchurch oo uu horay uga gaystay weeraro uu la bartilmaameedsaday laba masaajid.
Falalkaasi ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 50 qof halka eedeysanahan oo 28 sano jir ah lagu eedeyay 51 kiis oo ku saabsan dil, 40 ku aaddan iskuday dil iyo inuu ku kacay fal argagixiso.
Hasa ahaate dhammaan dacwadahaasi waa uu iska fogeeyay waxaana lagu wadaa in dhageysiga kiisaska uu wajahayo uu bilowdo 2-da bisha lixaad ee sannadka soo socdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here