Ninkii toogashada ka gaystay masaajidda New Zealand oo xabsi daa’in lagu xukumay

Maxkamadda dalka New Zealand ayaa xukun xabsi daa’in ah ku ridday nin loo haystay inuu dilay 51 qof oo muslimiin ah oo ku cibaadeysanayay labo masaajid oo ku yaalla magaalada Christchurch ee wadankaas.
Waa markii ugu horreysay oo gudaha wadanka New Zealand looga dhawaaqo xukun qeexaya in aan eedeysanaha xabsiga laga saari karin xita hadii uu ballanqaado isbeddel dhanka habdhaqanka ah .
Brenton Tarrant oo 29 sano jir ah oo dhalasho ahaan ka soo jeedo Australia ayaa horraantii sannadkan qirtay 51 dacwadood oo lagu soo oogay.
Waxaa eedeymaha ka mid ahaa inuu dil gaystay , 40 iskuday oo dil la xiriira iyo fal argagixiso.
Toogashada oo si toos ah looga arkayay barta Facebook-ga ayaa dhacday 15-kii bishii saddexaad ee sannadkii hore.
Go’aanka maxkamadda sare ee New Zealand waxaa ku dhawaaqay garsoore Cameron Mander.
Waxaa xukunka maxkamadda soo dhaweysay ra’iisul wasaaraha dalkaas Jacinda Ardern .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here