NISA oo sheegtay inay qabatay xubin sare oo ka tirsan Warbaahinta Al-Shabaab

Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa baahisay Sawirada Sarkaal ay sheegtay Hay’addu in uu ka tirsanaa Warbaahinta Al-Shabaab.

Sida lagu daabacay Barta twitter-ka Hay’adda NISA Sarkaal kaas ayaa la sheegay in lagu soo qabtay Howlgal ka dhacay degmada Howl-Wadaag ee Gobolkan Banaadir.

“NISA ayaa Deg. Howlwadaag ee magaalada Mugdisho kasoo qabatay xubin sare oo kamid ah Warbaahinta AS, una qaabilsanaa baahinta ficilladooda gurracan ayaa lagu yiri Warka Hay’adda NISA.

NISA mashaacin Magaca Sarkaalka la soo qabtay iyo xilliga uu dhacay howlgalka lagu soo qabtay,hayeeshee NISA ayaa sanadihii u dambeysay waxaa ay shaacineysay inay qabatay saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab & Daacish kadib howlgallo laga sameeyay Muqdisho & duleedkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here