Noordiin Xaaji iyo George Kinoti oo gaaray dalka Italia

Agaasimaha waaxda dacwad soo oogista dalka Noordin Xaji iyo dhigiisa dambi baarista George Kinoti waxay gaareen wadanka Talyaaniga si ay u soo dhamaystiraan baaritaan lagu sameeyo sida loo maamulay lacagaha 21 bilyan ah ee biyo xireenada Arror iyo Kimwarer.
Labadan mas’uul ayaa dalka Taliyaaniga u tagay si ay fadeexadani ugala hadlaan sidii loo maareeyay dhisida biya xireenadas .
DCI –da dalka waxay baareysaa 21 bilyan oo loogu talagalay dhismaha laba biyo-xireen oo ku yaalla Dooxada Kerio.
Mr Xaaji ayaa sheegay in markii ay dalka dib ugu soo laabtaan ay soo bandhigi doonaan baaritaanada lagu sameeyay biyo xireenadaasi.
Dhawaan ayay ahayd markii uu Hanti Dhowraha Guud ee dalka Edward Ouko uu su’aal galiyay lacag hormaris ah oo dhan 4.2 Bilyan oo shilinka dalka ah oo loogu talagalay dhisida biya xireenada Arror iyo Kimwarer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here