NTSA oo baaq u dirtay gaadiidleyda dalka

Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA ayaa qoraal uu soo dhigay Facebook-ga waxaa uu ku codsaday inaan macluumaadka shakhsiyeed lagu soo bandhigin baraha bulshada.
NTSA ayaa macaamiisheeda ugu baaqday inay fariimo gaar ah u soo diraan.
Xogta uu maamulkan ka digay in boggiisa Facebook-ga si toos ah loogu soo daabaco waxaa ka mid ah nambarka aqoonsiga qaran ee qofka ,midka canshuuraha ee KRA, nambarada sirta ee loo yaqaano PIN iyo nambarrada taleefoonada gacanta.
NTSA ayaa sido kale sheegtay inay ku dadaali doonto sidii ay u xallin lahayd tabashooyinka macaamiisha kula soo xiriira baraha bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here