NTSA oo beenisay inay fasaxday basaska shirkadda Modern Coast

Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka wadooyinka ee NTSA ayaa bayaan uu soo saaray ku beeniyay inuu meesha ka saaray xayiraad dhanka safarrada ah oo horay loogu soo rogay shirkadda basaska ee Modern Coast Bus.
Qoraalka NTSA ayaa timid wax yar un kaddib markii maamulka shirkadda uu macaamiishiisa ku wargeliyay inuu safaradda dib u billaabayo.
12-kii bishan Diseembar ayay ahayd markii Modern Coast lagala laabtay leesinkii gaadiidka.
NTSA ayaa tallaabadaas ku saleysay shil u dhaxeeyay laba bas oo ay shirkadda leedahay oo ka dhacay goobta loo yaqaano Salama ee ku taalla wadada weyn ee isku xirta magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa.
Waxaa shilkaasi ku nafwaayay ilaa 7 qof.
Hasa ahaate NTSA ayaan ka hadlin inay mid rasmi ah tahay qoraal la sheegay inuu ka soo baxay maamulka shirkadda oo ku aaddan in howlaheeda dib loo fasaxay.
Sido kale agaasimaha guud ee maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA ,George Njao ayaa sheegay inay weli wadaan baaritaano ku saabsan xaqiijinta badqabka 88 baabuur oo ay shirkaddu leedahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here