NTSA oo hakisay howlaha shirkadda basaska ee Northern E coach Travellers

Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA ayaa shaaca ka qaaday inuu hakiyay howlaha shirkadda basaska ee Northern E Coach Travellers Sacco.
Tallaabadan ayaa loo aaneeyay walaac dhanka amniga ah.
Bayaan ay NTSA soo saartay ayaa lagu sheegay in shirkadda aynan ku guulaysan u hoggaansanka shuruucda maamulka ee u degsan howlaha shirkadaha baabuurta dadweynaha ee sannadkii 2014.
Agaasimaha guud ee maamulka NTSA George Njao ayaa shacabka ugu baaqay inaynan raacin basaska shirkaddan.
Waxaa dhanka kale shirkadda lagu amray inay sida ugu dhaqsiyaha badan 35 bas oo ay leedahay gayso xarunta booliska ee ugu dhow.
Maamulkan ayaa xusay in saraakiisha qaabilsan kala hagidda baabuurta waddooyinka maraya ee taraafikada ay gacanta ku dhigayaan baabuur kasta oo shirkaddan ay leedahay oo shaqeynaya.
Waxay baabuurta shirkadda howlaheeda la hakiyay ee Northern E coach Travellers Sacco u kala gooshtaa sida NTSA laga soo xigtay.
1.Garissa-Masalani-Bura
2.Nairobi-Dadaab-Thika-Mwingi-Garissa
3.Nairobi-Thika-Mwingi-Garissa-Bura
4.Nairobi-Isiolo-Marsabit-Moyale-Mandera
5.Nairobi-Mandera-Mwingi-Garissa-Wajir-Elwak
6.Nairobi-Mwingi-Garissa-Bura-Hola-Masalani-Mombasa-Malindi
7.Nairobi-Mwingi-Garissa-Wajir-Elwak-Mandera
8.Nairobi-Nyeri-Nanyuki-Isiolo-Marsabit-Moyale
9.Nairobi-Thika-Mwingi-Garissa-Dadaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here