NTSA oo howlgal ka sameysay wadada Mombasa-Malindi

Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka ee NTSA ayaa sheegay inuu howlgal ballaaran ka fuliyay wadada weyn ee isku xirta magaalooyinka Mombasa iyo Malindi ee gobolka xeebta.
Howlgalka oo ay sido kale gacan ka gaysanayeen ciidamada ammaanka ayaa laga sameeyay inta u dhaxaysa deegaannada Changamwe iyo Nyali ee Mombasa.
Qoraal NTSA ay soo saartay ayaa lagu xusay in gacanta lagu dhigay 45 baabuur oo aan taya ahaan wanaagsaneyn sidaas awgeedna aynan habbooneyn in lagu isticmaalo waddooyinka dalka.
Shalay ayay ahayd markii abaanduulaha booliska Mr. Hillary Mutyambai uu shaaciyay in meesha laga saari doono ciidamada loo yaqaano taraafikada ee waddooyinka taagan ee baabuurka kala hago.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in lagu beddeli doono saraakiil wareegaya oo baaritaano ka sameyn doono bar kontoroolada dalka. Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu maamulka NTSA ka guddoomay 17 baabuur ah oo booliska lagu wareejiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here