Nuurdiin Xaaji oo amray in boolis labo qof ku dilay Garissa la keeno Nairobi

Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Mr. Nuurdiin Xaaji ayaa amar ku bixiyay in magaalada Nairobi loo soo wareejiyo labo ka mid ah ciidamada booliska dalka oo lagu eedeyay inay sabtidii hore dil ka gaysteen magaalada Garissa.
Waxaa maalinkaas xaafadda suuqaa xoolaha ee Garissa lagu toogtay Aden Cabdi Madoobe iyo Muxiyadiin Cadow Shibin.
Falkaas ayaa waxaa ka dhashay dibadbaxyo ay shacabka sameyeen halka xildhibaanka deegaanka Garissa Township Aaden Barre Ducaale uu wasaaradda arrimaha gudaha ka dalbaday in la sameeyo baaritaano qoto dheer oo faahfaahin dhamaystiran laga bixiyo dilkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here