Nuurdiin Xaaji oo ansaxiyay in dacwad lagu soo oogo xildhibaanka Emurua Dikirr

Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Mr.Nuurdiin Xaaji ayaa meel mariyay in maxkamadda la soo taago mudanaha laga soo doortay deegaanka Emurua Dikirr ee ismaamulka Narok Johana Ngeno.
Siyaasigan ayaa loo haystaa inuu jeediyay hadallo looga gol lahaa kicin dadweyne.
Nuurdiin Xaaji ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in xafiiskiisa uu helay qoraal ka yimid abaanduulaha ciidamada booliska Mr. Hillary Mutyambai.
Waxay boolisku xildhibaanka ku eedeyeen inuu maalmo goob fagaara ah ka hor jeediyay hadalo hanjabaad iyo aflagaaddo ah.
Waxyaabaha uu sabtidii la soo dhaafay sheegay Mr. Johana ayaa lagu tilmaamay kuwo isku diri karo bulshooyinka ku nool Narok.
Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka ayaa intaa ku daray inay jiraan caddeymo wax ku ool oo loo cuskan karo eedeysanaha ka dhanka ah siyaasiga iyadoo la deegsanaya xeerka guddiga NCIC ee 2008-dii.
Waxaa uu dhanka kale Nuurdiin Xaaji u digay hoggaamiyaasha siyaasadeed ee adeegsanaya haddalada wax u dhimi karo xasiloonida uu sheegay in tallaabo sharciyeed laga qaadaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here