Nuurdiin Xaaji oo beeniyay inuu khilaaf kala dhaxeeyo agaasimaha waaxda dambi baarista dalka

Agaasimaha waaxda dacawad soo oogida dalka Noordiin Xaaji, Agaasimaha dambi baarista dalka ee DCI George Kinoti, madaxa fulinta ee guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqa ee EACC Twalib Mbaraka iyo agaasimayaasha bangiyada dalka oo shir jaraaid qabtay ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah.
Noordiin Xaaji ayaa ugu horeyn ka dawaajiyay in ay jiraan lacago la lunsaday kuwaas oo dib loo soo helay.
Waxaa uu sheegay in tallabadan la qaaday markii ugu horreysay dalka iska markaana horay loo sii wadi doono.
Aagaasimaha dacwad soo oogaha guud ayaa carabka ku dhuftay in lacag dhan 385 milyan oo shilin ay kasoo heleen bangiyada cadadkaas oo la lunsaday.

Dhanka kale waxaa uu beeniyay wararka sheegaya in asaga iyo agaasimaha waaxda dambi barista dalka ee DCI uu khilaaf ka dhaxeeyo.
Waxaa uu arrintaasi ku tilmaamay sheeko ay soo abaabuleen shakhsiyad kasoo hor jeedo wada shaqeynta wanaagsan ee u dhaxeeysa xafiiskiisa iyo kan DCI.

Wararka ah in labadan mas’uul uu khilaaf u dhaxeeyo ayaa waxaa ay bilaabmatay maalinkii Arbacada xilligaas oo ay isku fahmi waayeen dacwada ka dhanka ah Agaasimaha Hay’aada Dekaddaha dalka Daniel Manduku.
Mr Noordiin Xaaji ayaa ugu dambeyn Kenyaanka iyo bahda saxaafada ugu baaqay inay dulqaad muujiyaan inta uu socdo dhageeysiga kiisaska.
Asaga oo tusaale u soo qaatay dacwadda ka dhanka ah madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayuu sheegay in kiisaska qaar ay qaadan karaan sannado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here