Nuurdiin Xaaji oo sheegay inaynan jirin cid dembi gasho oo aan lala xisaabtamin

Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Mr. Nuurdiin Xaaji ayaa hoosta ka xariiqay inaynan jirin shakhsiyaad dembi galay oo aan lagula xisaabtamin.
Mr. Xaaji oo u warramay wargayska Daily Nation ayaa sheegay inay maxkamadda yaallaan kiisas khuseeyo shakhsiyaad saameyn leh.
Sido kale waxaa uu xusay in saraakiisha dambi baarista ay weli gacanta ku hayaan fadeexadii ka dhalatay mashruucii lagu dhisay biyo xireennada Arror iyo Kimwarer ee ismaamulka Elgeyo Marakwet.
Mr. Xaaji ayaa ku nuuxnuuxsaday in saameyn kasta oo uu qofku leeyahay hadii caddeymo wax ku ool ah loo hayo dacwadda lagu soo oogay in laga qaadayo tallaabada habboon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here