OCS-ka ismaamulka Kirinyaga oo shil gaari ku dhintay

Harrison Muteti Katecho, oo ah OCS-ka saldhiga booliska Wanguru ee ismaamulka Kirinyaga ayaa shalay u geeriyooday shil meel u dhaw xaafada Kamakis ee Eastern Bypass ee ku taala Ruiru.
Sida laga soo xigtay booliska, OCS-ka ayaa lumiyay contoroolka gaariga kasoo ahaa Toyota Belta, kadibna uu ku dhacay mid kamid ah gawaarida xamuulka qaada oo wadda dhinaceeda tagnaa saacada markay aheyda 3.30pm galabnimo.
warbixinta booliska ay soo sareen ayaa lagu sheegay in labada gaari ay isku meel u socdeen marka uu dareewalka gaariga yar uu kontoroolkiisa u lumiyay sababa aan la garaneynin.
Mr. Muteti ayaa wuxuu dhawaac ka soo gaaray xabadka iyo madaxa iyadoo isla markiiba loola cararay isbitaalka Ruiru halkaas oo markii lagaayba uu ku geeriyooday.
Gaariga xamuulka iyo midka yar ee uu watay OCS-ka ayaa loo qaaday saldhiga booliska ee Ruiru halka meydkana la geeyay goobta meydadka la dhigo ee Kenyatta University mortuary.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here