Odayaasha Dhaqanka Galmudug oo War-Saxaafadeed soo saaray

Odayaasha Saxiixayaasha Galmudug ayaa kulan ay ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa ay kasoo sareen War-Saxaafadeed ka kooan 7 Qodob oo ay uga hadlayeen xaalada Galmudug iyo doorashooyinka.
War-Saxaafadeedka ayaa Dowladda Soomaaliya waxaa ay uga dalbadeen inay taageerto Xildhibaannada Cusub ee Galmudug sidoo kalena aysan aqbalin cid kasta oo baal marta Dastuurka Galmudug.
Guddoonka Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa ay ugu baaqeen inasyan dib u dhigin xilliga loo asteeyey inay dhacdo doorashada maamulka Galmudug oo xiligaan uu khilaaf hareeyey.
Waxaa ay ugu baaqeen Beesha Caalamka inay garab ku siiso habka dhismaha Dowlad Goboleedka Galmudug, sidoo kalena ay ugu baaqeen inay doorashada ka qeyb galaan musharixiinta Madaxweynaha Galmudug.
Ugu dambeyn waxaa ay sheegeen in la sameyn doono Guddi xog aruurin ah oo dhageysta cid walba oo wax ka tabaneysa sida loo wado dhismaha Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here