Odayaasha Mandera iyo Beledxaawo oo beeniyay madax furasho laga dalbaday dhakhaatiirtii la afduubtay

Waxgaradka magaalada Mandera iyo degmada Beledxaawo oo waraysi gaar ah siiyay idaacadda Star FM ayaa gaashaanka u daruuray warbixin ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta dalka oo lagu sheegay in kooxdii 12-kii bishii afaraad ee sannadkan afduubatay laba dhakhaatiir ah oo u dhashay dalka Cuba kana howlgalayay isbitaalka weyn ee Mandera ay dalbatay lacag madax furasho ah oo dhan 150 milyan oo shilin.
Waxaa warbixinta lagu sheegay in odayaasha ay tageen tuulo fog oo la rumaysan yahay in lagu hayo howlwadeenadii la kaxeystay ee kala ah Dr Assel Herera Corea iyo Dr Landy Rodriguez si ay qeyb uga noqdaan gorgortan ku aaddan qaabka dhakhaatiirta ay dib ugu heli karaan xuriyaddooda.
Odayaasha labada dhinac ayaa arrimahan beeniyay waxayna dalbadeen in raali gelin laga bixiyo warbixin ay ku tilmaameen mid aanan sax ahayn oo la baahiyay

Kaddib markii la afduubtay labada dhakhaatiir ee ka shaqaynayay ismaamulka Mandera ayay dowladdu sababo amni awgood soo wareejisay kuwii ka howlgalayay dowlad deegaanada Wajeer, Lamu, Garissa iyo Tana River .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here