ODM oo isbeddelo ku sameysay guddiyada xisbiga

Xisbiga mucaaradka ee ODM oo uu hoggaamiyo Raila Odinga ayaa sameeyay isbeddelo dhowr oo dhanka guddiyada kala duwan ah.
Tani ayaa qayb ka ah dadaallada dib u habeynta xisbiga ka hor doorashada guud ee sannadkan 2022-ka.
Mr. Odinga ayaa shir guddoominayay kulanka guddiga dhexe ee ODM ee go’aamada cusub laga soo saaray.
Waxaa wax laga beddelay guddiga qaran ee ODM ee doorashooyinka ee (NEB) iyo guddiga nidaamka.
Xoghayaha guud ee xisbiga Mr. Edwin Sifuna ayaa sheegay in 27 iyo 28-kii bishii lixaad ee sannadkii hore kaddib kulan ka dhacay Nakuru oo uu yeeshay golaha qaran ee fulinta lagu heshiiyay in dib u habeyn la sameeyo.
Prof. Catherine Mumma ayaa loo magacaabay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee ODM NEB waxayna xilkan kala wareegtay Judy Pareno.
Xildhibaankii hore ee deegaanka Koonfurta Wajeer Cabdullahi Diiriye, Mr Richard Tairo, Syntei Nchoe iyo Ms Emily Awita ayaa xubno ka noqday guddiga doorashooyinka ee xisbiga ODM.
Prof Ben Sihanya ayaa laga dhigay guddoomiyaha guddiga ODM ee qaabilsan nidaamka iyo habdhaqanka .
Waxaa xilkan hayay oo laga wareejiyay Mr Paul Athuok halka xubnaha guddigan ay ka mid yihiin Mr Ramadhani M. Abubakar, Ms Mumbi Ngaru, Mr Seth Kakusye iyo Dr Florence Omosa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here