ODM oo Josphat Nanok ka qaaday xilka guddomiya ku xigenka xisbiga

Xisbiga ODM ayaa xilka ka xayuubiyay guddomiyaha ismaamulka Turkana Josphat Nanok oo ahaa guddomiye ku xigeenka xisbiga.
Goa’ankan ayaa la gaaray ka dib markii ay kulan ku yeesheen magalada Nakuru golaha qaran ee Xisbiga shalay oo u hoggaminayey hoggamiyaha xisbiga Raila Odinga.
Sida uu xisbiga sheegayo go’aankan ayaa la garay ka dib markii uu shaaciyay inuu isaga baxay xisbiga ODM.
Mr. Nanok ayaa haatan waxa badali doona xildhibanka deeganka Loima Jeremiah Lomorukai.
Kulanka waxa ka soo qayb galkay guddomiyaha xisbiga John Mbadi, xoghayaha guud Edwin Sifuna, Senterka ismamaulka Siaya James Orengo iyo xildhibanka deeganka Ugunja Opiyo Wandayi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here