ODM oo sheegtay inaynan diiradda saareyn xilka qaadista Ruto

Hoggaamiyasha siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee baarlamaanka Mr. John Mbadi.

Xisbiga mucaaradka ee ODM ayaa sheegay inuunan waqti xaadirkan mudnaanta koobaad siinayn hadal haynta ku aaddan in xilka madaxweyne ku xigeenka dalka laga xayuubiyo William Ruto.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday hoggaamiyaha siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee baarlamaanka Mr. John Mbadi.
Siyaasigan ayaa hoosta ka xarriiqay inay ku dadalayaan sidii wadanka loogu horseedi lahaa isbeddelo wanaagsan oo dhanka maamulka ah.
Mr. Mbadi oo u warramayay telefishinka K24 ayaa intaa ku daray inay sido kale dadaal badan ku bixinayaan mideynta shacabka iyo xal u helidda caqabadaha soo noqnoqdo ee ay ka mid tahay doorashada lagu murmo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here