ODM oo William Ruto ku dhaliilay habka uu kaga falceliyay fadeexadda COVID-19

Xisbiga mucaaradka ee ODM oo uu hoggaamiyo Raila Odinga ayaa dhaliilay ku xigeenka Madaxweynaha dalka William Ruto kaddib markii uu ka hadlay eedeynta fadeexadda musuqmaasuqa ee soo iibinta qalabka COVID-19.
Dr Ruto ayaa khamiistii iska fogeeyay hantida balaayiin COVID-19 ee la musuqmaasuqay, asaga oo sheegay inaan lagu eedeyn doonin.
Ruto ayaa boggisa twitterka ku qoray inuu arrimaha kor ka daawado.
War saaxafadeed ay soo sareen shalay ayaa xisbiga ODM waxay sheegen inay tahay mid murugo leh in sarkaal sare oo dowladda ka tirsan gaar ahaan madaxweyna ku xigeenka uu shacabka u sheego inaan lagu eedayn Karin fadeexadda.
Iyadoo u mareyso xoghayaha xisbiga Edwin Sifuna, Xisbiga uu hoggamiyo Mr Odinga ayaa sheegay inay u muuqatay in madaxweyna ku xigeenka dhahay inay sax in lacagta la xado hadii aan asaga lagu eedeyneenin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here