ODM oo xisbigeeda ka saartay xildhibaanka Waqooyiga Kilifi

Golaha qaran ee xisbiga ODM ayaa xubinnimada xisbiga ka saaray xildhibaanka waqooyiga Kilifi Owen Baya maadama uu la saftay siyaasiyiinta xubnaha loogu yeero Tangtanga.
Xoghayaha xisbiga ODM Edwin Sifuna mar uu saxaafadda la hadlay kaddib kulankii golaha qaran ee ODM ee shalay oo lagu qabtay dhismaha Stoni Athi Resort ee Athi River ee ismaamulka Machakos, ayaa sheegay in Baya sidoo kale laga qaaday xilkii xisbiga uu ka hayay ee ahaa ku xigeenka xoghayaha maamulka.
Sida uu sheegay Sifuna, “Golaha qaran ee ODM waa mid muhiim ah, xildhibaan siyaasadda kale ku mashquulsana xubin kama noqon karo”
Sifuna ayaa xusay in Mr.Baya uu sii wadhani karo howlahisa siyaasadda ee ka mid ahaanshaha xubnaha Tangatanga oo ah kuwa taageersan madaxweyna ku xigeenka dalka.
Baya waxaa uu ka mid ahaa wafdigii xildhibanada gobolka xeebta oo dhawaan la socday Faysal Cabdallah Bader, oo u sharaxan deegaanka Msambueni waxayna madaxweyna ku xigeenka kula kulmeen xafiiskiisa Karen.
Mr Baya iyo xisbiga ODM ee uu hoggamiyo Raila Odinga ayaa waxaa kala dhaxgalay Isfahan waa wuxuuna siyaasad ahaan la jahaan qaadaye madaxweyna ku xigeenka William Ruto.
Bishi July xiligii laga doodayay hannanka qaybsiga dhakhliga ee ismaamulada waxaa uu hoggamiyay koox xildhibaano oo ka soo jeedo gobolka xeebta ku waas oo taageersana madaxweyne ku xigeenka, waxayna dhaliil u jeediyeen madaxa mucaaraadka Mr.Odinga ayaga oo ku eedeeyay inuu khiyaanay gobolka maadama uu aragti gooni ah ka qabay arrintaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here