OGAANSHAHA JACEYLKA QARSOON.

Run ahaantii jacaylku waa tartan qarsoon oo ogaanshihiisu ay wakhti qaadato, mana fududa marka u horaysa in la dareemo qof ku jecel sida ay u fududahay in aad dareento waxyaabaha kale, Had iyo jeer dadka uu jacaylku la soo darso rag iyo dumar kuu doono ha ahaadee si daacad ah ugama run sheegaan, ku dhiirashada inay si bareer leh ugu soo bandhigaan jacaylka ay u hayaan qofka sida dhabta ah ay u jeclaadeen, waxaanay inta badan la soo dersa dareen baqdin iyo cabsi leh, iyaga oo ka cabsi qaba haddii ay u soo bandhigaan shaqsiga ay jecel yihiin in lagu gacmo sayro oo ay la kulmayaan niyad jab. Waxaanad niyadada ku haysaa in qofka sida dhabta ah jacaylku qaba aanu sinaba kuugu soo bandhigi karin rag iyo dumar kuu doonaba ha ahaadee waayo labada qof ee sida dhabta ah isku jeceli lagama yaabo inuu ku yiraahdo waan ku jecelahay midba midka kale balse wey ogyihiin waxaa ka dhexeeya waxanay isku dareensiiyaan waa ficilo aad ka garan karto qofka sida dhabta ah kuu jecel. Sidaa awgeed haddii aanu sii ogayn qofka wax jeceli jawaabta uu kala kulmi doono qofka uu jecelyahay, marka uu jacaylkiisa u sheegan waayo ayaa waxaa ay ku kaliftaa qofkaasi amaba sabab u ah in qofkaasi uu qarsado jacaylkiisa taas oo khataro caafimaad oo nafsaani ah ku keenta qofka wax jecel. Waxa jira dad uu ka xoog bato dareenka qiirada leh ee jaceylku oo si fududna looga fahmi karo rag iyo dumar kuu doono ha ahaadee. Si kastaba ha ahaatee waxa jira dhaqamo iyo caadooyin badan oo u diidaya gabadha ceebna ku ah in ay si fudud ugu soo bandhigto wiilka ay jeceshahay jacaylkeeda iyo waxyaabaha ka dhabta ah ee ay ku dooratay amaba dareenkeeda naf ahaaneed. Waxa kale oo jira dhaqamo iyo caadooyin u fasaxaya gabadha in ay ku dhiirato sidii ay ugu soo bandhigi lahayd, Tusaale ahaan gabdhaha ku nool qurbaha oo kale ceeb kuma ah in ay tidhaahdo “Hebeloow waan ku jecelahay”. Sidaa daraadeed ragga way ku adagtahay in ay ogaadaana gabadha aadka u jecel, maxaa yeelay dumarku uma qirtaan jacaylku sida uu yahay, xitaa haddii uu ka dhab yahay. Sidaa awgeed waxa jira waxyaabo badan oo aad si fudud uga fahmi karo gabadha ama wiilka sida qarsoodida ah kuu jecel waxeyna kala yihiin qodobadaan
1-Adigoo isbarbar dhig iyo qiimeeyn ku sameeya hab dhaqanka uu qofka ku jecel dadka ula dhaqmo/dhaqanto iyo sida uu adiga kugula dhaqmo.
2-Haddii aad qofka/qofta ka dareento in uu ku siinayo tixgelin ka badan ta uu dadka kale siiyo qofkaasi wuu ku jecelyahay/jeceshahay ee sidaasi ku ogow.
3-Dadka qaar ayaa aad uga werwera badbaadada qofka ay jecel yihiin, sidaa daraadeed haddii qofku uu aad xil isaga saaro in uu ogaado halka aad joogto iyo waxa aad ku sugan tahay isaga/iyada oo ku waydiinaysa dad xog ogaal kuu ah, qofkaasi wu ku jecelyahay.
4-Haddii qofka ku jecel aad ku aragto hinaase waxa lagu sifeeyaa aragtida noocaasi ah in u ku jecelyahay, maxaa yeelay hinaasaha laftiisu waxaa uu qayb lexaad leh ka qaataa jacaylka dhabta ah ee ay kuu hayso qofkaasi.
5-Haddii uu qofku mar waliba hadal heyntaada hayo iyo amaantada ogow si dhab ah inuu ku jecel yahay qofkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here