Okiya Omatatah oo doonaya in shaqada laga eryo madaxa cadaaladda

Okiya Omtatah oo ka mid ah shakhsiyaadka u dooda xuquuqda aadanaha ayaa hadda doonaya in xafiiska uu baneeyo madaxa cadaaladda ee dalka David Maraga.
Guddiga adeegga garsoorka ee JSC ayuu ka codsaday in uu baaritaano ku sameeyo Mr. Maraga oo uuu ku eedeynaya inuu si aan habbooneyn u adeegsaday xilka uu hayo.
Omtatah ayaa ku doodaya in Mr. Maraga uu faragelin ku sameeyay dacwad uu dowladda ka gudbiyaay taas oo ku saabsaneyd in aan dib loo xayeysiin booska hanti dhowraha qaranka.
Waxaa uu intaas ku dara in madaxa cadaaladda uu sido kale joojiyay dhageeysiga dacwadaasi oo ahayd in la beddelo qaabka loo soo xulayo qofka noqonaya hanti dhowraha guud ee dalka.
Mr. Maraga ayaan weli dhankisia ka hadlin eedeymaha uu Omtatah u soo jeediyay.
Geedisocodka lagu soo xulayo cidda beddalayso Mr .Edward Ouko oo banneeyay xafiiska ayaan weli bilaaban in kastoo uu qorshuhu ahaa in jagadaas lala wareego bishii Diseembar ee sannadkii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here