Olahah wacyigalinta Bulshada Soomaaliyeed oo Maanta dhuusamareeb ka bilowday.

Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamul goboleedka Galmudug maanta ka daahfuray Ololaha wacyi galinta Bulshada deegaanada maamulkaas ku nool ee arrimaha Doorashooyinka Qaranka oo lagu wado inay dalka Soomaaliya ka dhacaan dhamaadka sanadkaan 2020-ka ilaa horaanta sanadka 2021-ka.
Guddoomiyaha Guddiga Doorshoonka qaranka Xaliimo Ismaaciil Xaliima Yareey oo kulanka ka hadashay ayaa sheegtay in ololaha wacyi gelina ay horay ugu qabteen qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka ka jira,hadana deegaano kale ay ku wajahan yihiin si guud ahaan bulshada Soomaaliyeed loo gaadhsiiyo Fariintaan.
Waxaay Hoosta ka Xariiqday inay soo dhawaadeen xilliyadii la geli jiray doorashooyinka,sidoo kalena la wada ogyahay in Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Ansixiyeen Sharciga doorashooyinka Qaranka,iyagana ay ka go’an tahay in la qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo dadka Soomaaliyeed ay ku doortaan hogaamadooda.
Xaliima Yareey waxay sheegtay in Galmudug ay ka mid tahay Maamul goboleedyada la diiwaan galinay goobaha doorashadu ka dhici karto waxayna uga mahad celisay inay ka qeyb qaataan dar dargelinta howlaha doorashooyinka qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here