Olole ka dhan ah Coronavirus oo laga billaabay Taita Taveta

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in dowlad deegaanka Taita Taveta ee gobolka xeebta laga billaabay olole shacabka lagu wacyigelinayo ka hor tagga caabuqa Coronavirus.
Waxaa ololahan laga sameeynayaa dhammaan deegaannada ismaamulkaas.
Barnaamijkan ayaa waxaa hor kacaya xubnaha guddiga Taita Taveta u qaabilsan ka falcelinta xaaladaha degdegga sida mida hadda wadanka iyo dalal kale oo caalamka ka taagan.
Ololaha ayaa loogu magacdaray #KomeshaCorona oo ay micnaheedu tahay jooji Corona waxaana dadweynaha lagu boorinaya inay nadaafadda ku dadaalaan dhanka kalena ay guriyahooda ku sugnaadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here