Olole ka Dhan ah Xagjirnimada oo ka Socdo Kajiado

Waxaa maalinkii saddexaad  ismaamulka Kajiado ka socdo kulamo ay  saraakiisha xarunta qaabilsan  la dagaalanka argagixisada ee NCTC la yeelanayaan shacabka.

Dadweynaha gaar ahaan dhalinyarada ayay uga digayaan inaan  la duufsan oo aan laga dhaadhicin fikradaha  khaldan ee   saameyn karo xasiloonida guud.

Sido kale  waxay  dadka u faahfaahinayaan  dhibaatada ay leedahay xagjirnimada iyo mayal adeegga kooxaha nabad diidka ah.

Saraakiishan ayaa  kulamo noocan oo kale ah ku qabtay 30 ka mid ah ismaamulada dalka  waxayna doonayaan in  falalka xagjirnimada laga hor tago ka hor inta aynan dhicin.

Madaxa fulinta ee xarunta NCTC Benson Ngeywa ayaa  sharaxaya waxyaabaha ay dadweynaha kala hadlayaan

Dhagayso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here