Orengo oo dhaliil u jeediyay madaxweyne ku xigeenka dalka

Senetarka ismaamulka Siaya, James Orengo ayaa madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto waxaa uu ku dhaliilay inuunan xushmad u muujin hoggaamiyaha wadanka.
Mr.Orengo ayaa carrabka ku dhuftay in la doonayo inuu jiro qaab dastuuri ah oo lagula xisaabtami karo cidii ama maamulkii aan qadarin madaxtooyada dalka looga arrimiyo.
Xilli uu ku sugnaa deegaan baarlamaneedka Bondo ayuu Orengo arrinkan shaaca ka qaaday.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in William Ruto uu u muuqdo mid aan la shaqeynayn madaxweynaha taasoo uu ku tilmaamay mid aan dastuur ahaan sax ahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here