Orodyahan Kenyaan ah oo maanta dhigay taarikh dunida gashay

Eliud Kipchoge oo ah orodyahan Kenyaan ah ayaa maanta dhigay taarikh aan horay looga dhigin dunida ka dib markii uu orday 1 sacaac iyo 59 daqiiqo iyo 40 ilbriqsi.
Waxaa uuna orady 42 Kilomiter intii loo qabtay inuu ku gaaro wax ka yar 2 sacaa.
Tani ayaa noqotay mid taarikhda uu dalkani Kenya ku galay guusha uu soo hoyiyay Eliud Kichoge.
Kenyanka iyo guud ahaan caalamka ayaa hambalyo looga soo diraaye baraha bulshada Mr Kichoge.
Waxaa uuna taagero ka helay dad badan oo Kenyaan ah oo ku sugna magaalada Veina ee dalka Austria.
Madaxweyne Ku xigeenka dalka ayaa ku sugna meeshi uu Eliud Kipchoge ku dhamaystirayay orodka .
Mr Ruto ugu hambalyeeyay adkeysiga,iyo xooga uu muujiyay Eliud Kipchoge isagoona sheegay in tani ay astaan u tahay inay Kenya awood sare ku yeelan karto tartamada.
Dhinaca kale madaxweynaha dalka mudane Uhuru Kenyaatta ayaa hambalayo u diray orodyahankaasi .
Waxaa uu sheegay Madaxweyne Kenyaatta in Kipchoge uu sameeyay taarikh cajiib ah Kenyana uu ka dhigay dalka lagu faani karo.
Sido kale hogaamiyaha mucaaradka ee dalka Raila Odinga ayaa bogiisa Twiitarka ku soo qoray waxaana kugu hambalyaynaya Eliud Kipchoge Guusha weyn aad gaartay taarikhdana wey ku xusi doonta inaad oroday wax ka yar 2 saacadood .
Dhica kale xildhibaanada laga soo doortay deegaanka Ijara ee ismamaulka Garissa Safia Abdi Noor oo u hambalyasay Eliud Kichoge ayaa sheegtay in dalkani Kenya uu u soo hoyiyay sharaf.
Hogaamiyaasha dalka iyo Kenyaanka ayaa baraha bulshada hambalyo diiran uga diray orodyahankaasi taarikhda xusi doonto.
Eliud Kipchoge ayaa dalka Austria ee magaalada Viena buugagta taarikhda ku galay.
Orodyahankan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in taarikhda uu dhigay ay dunida ku dhiiragalinayso inay dhalinyarada sameyn karaan sida aan sameeyay.
Waxaa uuna u mahadceliyay dhamaan dadkii daawanayay iyo dadki ka qeyb qaatay guusha uu gaaray.
Shirkadda adeega isgaarsiinta ee Safaricom ayaa kenyaanka maanta siisay internet bilaash ah si ay yuutubka uga daawadaan Kichoge.
Waxaa ayna adeega Mpesada maanta ugu magacdareen magaca Eliud Kipchoge.
Kenyaanka ayaa baraha bulshada ku soo qorayay in dalka maalin fasax fasax qaran loo asteeyo si loo xuso orodyahanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here