Orodyahan Kenyaan ah oo maanta isha lagu wada hayo

Waxaa saaka oo sabti ah magaalada Vienna ee dalka Austria uu ka qabsoomo orotan taariikhi ah.
Saacadu marka ay ku beegantahay 9 : 15 daqiyo ama seddaxda saac subaxnimo ayaa orodyahanka Kenyaanka ah ee Eliud Kipchoge bilaabi doona orotan taarihi ah kaasi oo loogu magacdaray INEOS 1:59 ilbiriqsi.
Waxaana daawan doono boqolaal milyan oo qof oo ku nool dacallada caalamka.
Cayaaryahanka wadanka u dhashay ee Eliud Kipchoge iyo tababarihiisa ayaa labaduba muujinaya kalsooni buuxda oo ah inay guul u soo hooyan doonto.
Mr. Kipchoge ayaa sheegay in iskudayga ku aaddan inuu wax ka yar muddo 2 saacadood ah uu ordo aynan ahayn mid ku saleysan u hanqaltaag dhaqaale balse uu ku dhiirigelinayo jiilaasha mustaqbalka.
Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa ku sugan magaalada Vienna si uu taagero buuxda ah u siiyo Eliud Kipchoge.
Sido kale madaxweynaha dalka mudane Uhuru Kenyaatta ayaa khadka taleefoonka kula hadlay orodyahanka isagoona niyadda u sii dhisay ka hor inta uu saaka taarikhda laga sugaya dhigin..
Dhinaca kale Wasiiradda wasaaradda cayaaraha Amina Maxamad ayaa Eliud Kipchoge ku tilmaantay astaanta midnimada dalka.
Waxay hoosta ka xarriiqday inuu wax ka beddelayo taariikhda oo uu caalamka u muujinayo in qof kenyaan ah uu guulaysan karo.
‏Sido kale waxay carrabka ku adkeysay inay aad u rajeynayaan inuu Kipchoge guul aad u qiimo badan u soo hoyin doono dalka.
Eliud Kipchoge ma u suurtageli doontaa inuu furo xujada loogu magacdaray ineos159challenge, oo uu 17:08 ilbiriqsi gudahood uu ordo 100 miitar waan wada sugeynaa saaka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here