Pakistan oo ka baarandegaysa inay hawadeeda India ka xirato

Dowladda Pakistan gaar ahaan ra’iisul wasaare Imran Khan ayaa ka baarandegaya inuu hawada sare ee dalkaasi ka xiro India si aynan u isticmaalin.
Tallaabadan ayaa laga cabsi qabaa inay saameyso ganacsi u dhexeya labada dal ama badeecooyinka ay India wadamada kale u gudbiso iyadoo Pakistan sii marinaysa.
Arrimahan ayaa waxaa barta twitarka shaaca kaga qaaday wasiirka sayniska iyo teknolojiyadda ee dowladda Pakistan Fawad Chaudhry.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in qodobkan looga hadlay shirka golaha wasiirada halka tixgelinta dhanka sharciga ee la xariirta la gabagabeyn doono.
Waxaa uu qoraalka ku sheegay in ra’iisul wasaaraha India Narendra Modi uu howshu billaabay iyagana ay dhameystirayaan.
Hasa ahaaate waxaan faahfaahin dheeraad ah laga bixin sababta keentay in Pakistan ay hadda hawadeeda ka xirato dalka dariska la ah ee India.
Bartamihii bishii toddobaad ee sannadkan ayay ahayd markii Pakistan ay hawadeeda dib u furtay kaddib shan bilood oo khilaaf militari uu kala dhexeyay India.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here