Pakistan oo soo jeedisay in laga shiro xaaladda Kashmiir

Dowladda Pakistan ayaa golaha ammaanka ee qaramada midoobay ugu baaqday inuu yeesho kulan degdeg ah oo uu uga arrinsanayo xaaladda ka taagan gobolka Kashmiir.
Waxaa gobolkaasi ka socdo dibadbaxyo looga soo horjeedo go’aan dhawaan ka soo baxay dowladda India.
India ayaa meesha ka saartay maqaam gaar ah oo uu lahaa gobolka Kashmiir taasi oo siyaabo kala duwan looga hadlay.
Dhanka kale hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Amnesty International ayaa cambaareysay go’aanka maxkamadda ugu sarreysa ee India ay ku ogolaatay in howlgalada ay ka sii socdaan Kashmiir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here