Portugal oo lagu arkay laba kiis oo ku saabsan Coronavirus

Waxaa dalka Portugal laga soo sheegaya in halkaas lagu arkay laba kiis oo la xiriira cudur sidaha Coronavirus ee saameeyay qaar ka mid ah wadamada caalamka.
Arrintan ayaa waxaa maanta baahisay warbaahinta SIC.
Wararka ayaa intaas ku daraya in mid ka mid ah kiisaska laga helay nin dhawana u safray Talyaaniga halka qofka kalena uu ka soo laabtay Spain.
Labada qof ayaa la geeyay isbitaal ku yaalla magaalada Porto in kastoo saraakiisha caafimaadka aynan weli xaaladooda faahfaahin dheeraad ah ka bixin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here