Punland oo sheegtay inay qabteen Xubno ka tirsan Shabaab iyo Daacish

Ciidamada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafey waxaay howlgallo kala duwan ka sameeyeen xaafado ka tirsan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari waxayna sheegeen inuu ahaa mid amniga magaalada lagu xaqiijinayey.
Howlgalkaan ayaa waxaa sigaar ah u fulinayey Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano PSF-ta,waxaana War kasoo baxey lagu sheegay in howlgalka lagu soo qabtey Xubno lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab & Daacish iyo Agab ay wadeen.
Ciidamada Amniga PSF Puntland oo muddooyinkan dambe ka waday gudaha magaalada Bosaso hawlgallo lagu adkaynayo amniga magaalada Boosaaso ayaa xalay waxay gacanta ku soo dhigeen shakhsiyaadka lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Al Shabaab iyo Daacish Iyo agab ay ciidamadu sheegeen in la doonayey in loo gudbiyo kooxaha ku dhuumaalaysta buuraha gobolka Bari.
Maalma ka hor ayaa sidaan oo kale laamaha Ammaanka Mamaulka puntland waxaay shaaciyeen inay howlgal kusoo qabteen Xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish-ta ee ka dagaalama dhulka Buuraleyda ah ee Gobolka Bari walow aysan soo bandhigin dadka ay Soo qabteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here