Puntland iyo Galmudug oo heshiis Cusub kala saxiixday

Heshiiskan oo ay kala Saxiixdeen Wasaaradaha Maaliyadda Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Puntland ayaa maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo, waxaana kulanka goobjoog ka ahaa Wasiir ku-xigeenada Maaliyadda maamulada Galmudug iyo Puntland, xubno ka socday Gobolka iyo laamaha Amniga.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Galmudug Cumar Xasan Xaaj ayaa sheegay in Heshiiskan uu horseedi doono in wax badan ku soo kordhiyo sare u qaadista canshuurta labada dhinac.
Wasiir ku-xigeenada Maaliyadda Cabdi Warsame Ibraahim iyo Mukhtaar Cali Cismaan ayaa tilmaamay inay muhiim tahay dhaqan gelinta heshiiskan ay labada dhinac ku gaareen magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here