Puntland iyo Galmudug oo heshiis kala saxiixday

Shirka iskaashiga Puntland iyo Galmudug ayaa Maanta ka qabsoomay Magaalada Gaalkacuo,isaga oo kusoo dhammaaday is afgarad iyo in laga wada shaqeeyo Amniga, dib u heshiisiinta , xoojinta siyaasadda nabadda iyo dhaqaalaha.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo madaxweynaha Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni  ayaa si  wadajir u bogaadiyeen iskaashiga labada dhinac , iyadoo ay jiri doonaan guddiyo kasii shaqeeya qodobada lagu heshiiyey si ficil loogu bedelo.

Labada Madaxweyne oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin heshiis wadashaqeyneyd oo ay wada gaareen,isla markaana la fulin doono waxyaabaha lagu heshiiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here