Puntland oo bilaabaysa howl galo ka dhan ah dadka aan amarada u hoggaamsamin

Taliska ciidanka Booliska maamulka Puntland ayaa digniin u diray dad la xaqiijiyey inuu soo ritay Covid-19 aan qaadan talooyinka caafimaadka iyo amarada ku saabsan inay guriyahooda baaqi ku ahaadan.
Cabdi Xasan Xuseen, taliyaha ciidanka booliska maamulka Puntland oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe, ayaa tilmaamay inay sharci u haystaan inay qasab ku karantiilaan dadkaas, haddii ay qabtaan, iyagoo magaalada dhex-socda”.
Xilli uu xusay ahmiyadda ay leedahay in dadku ku dhaqmaan talooyinka bahda caafimaadka, taliyaha wuxuu hoosta ka xariiqay inay bilaabayaan howlgalo ka dhan ah shaqsiyaadka aan iyagu dhaqan-gelin amarada la soo saaray gaar ahaan kuwa caafimaadka la xiriira.
Wuxuu Tilmaamay inay mas’uuliyad darro tahay talaabooyinka sharciga aan waafaqsanayn ee ay qaadayaan dadkaas.
Dadweynaha ayuu ku dhiirageliyey inay kusoo wargeliyaan laamaha ammaanka haddii ay arkaan dad leh calaamadaha cudurka hadana si caadi ah bulshada u dhex socda.
Bukaanka qaba Coronavirus ayaa si fudud ku qaadsiin kara dadyow kale oo badqaba, haddii uu ku qufaco meel ay joogaan ama uu taabto.
Dhanka kale, taliyaha ayaa shaaciyey roondo joogto ah oo ay ku hubinayaan in meheradaha ganacsiga ay fuliyaan amarka kala fogaanshiyaha shacabka ee xukuumadda u soo rogtay xakameynta caabuqa dilaaga ah.
Degaanada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa laga xaqiijiyey 59 xaaladood oo ah caabuqa sida fudud u faafa ee Corona, laba dhimasho ah iyo hal soo kabasho ah, waxaana la saadaalinayaa inay intaas kasii kordhi karaan haddii ana ka hortagga la xoojin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here