Puntland oo Boosaaso ka hirgalisay goob lagu baari Covid 19

Wasaaradda caafimaadka maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ka furtay shaybaarka lagu baarayo cudurka Covid19.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xasan ayaa magaalada boosaaso kaga qaybgalay daahfurka shaybaarkaan oo laga daahfuray qayb ka mid ah cisbitaalka guud ee Magaalada Boosaaso.
Wasiirka ayaa bogaadiyay in boosaaso laga hirgaliyay shaybaarkaan lagu baarayo Covid19 kaasoo noqonaya kii labaad oo ay ka hirgaliyaan deegaanada Maamulka Puntland, uuna qayb ka qaadan doono baaritaanka dadka xanuunka laga baarayo kaasoo hada wixii ka danbeeya laba shaybaar lagu samayn doono baaritaanada Cudurkaan.
Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa uga mahadceliyay Cid kasta oo ka qaybqaadatay helitaanka shaybaarkaan sida dawlada Emaratka Carabta, Hay’dda WHO iyo WV.
Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Puntland ayaa sidoo kale sheegtay inay gacanta ku hayso howsha magaalada Galkacayo looga hirgalinayo shaybaarka saddexaad taasoo ka dhigi doonta in saddex shaybaar oo casriga laga hirgaliyo deegaanada Maamulka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here