Puntland oo deegaanadadeeda ka mabnuucday ka ganacsiga hubka.

36

Wasiirka Wasaaradda Amniga maamul goboleedka Puntland Cabdi Samad Maxamed Gallan ayaa shaaciyay inaysan marnaba Puntland ogolaan doonin soo dejinta iyo ka Ganacsiga Hubka noocyadiisa kala duwan.
Wasiirka ayaa sheegay in maamulka Puntland ay ka go’aan tahay joojinta soo dejinta iyo ka Ganacsiga Hubka,isla markaana Ciidamo farabadan la dhigay goobaha looga shakisan yahay in hubka laga soo galin karo magaalooyinka ku yaala deegaanada maamulka Puntland.
Warbaahinta iyo Shacabka ku sugan deegaanada maamulka Puntland ayuu Wasiirka Amniga maamul goboleedka Puntland Cabdi Samad Maxamed Gallan ka codsaday inay kusoo wargeliyaan hadii ay arkaan dad soo dejinaya hubka la joojiyay,isagoo sheegay in tallaabo laga qaadi doono.

Dhowr todobaad ka hor ayuu Wasiirka Amniga maamulka puntland C/samad Maxmed Gallan wuxuu soo saarey War-Saxaafadeed lagu mamnuucayo soo dejinta iyo ka Ganacsiga Hubka,isla markaana wuxuu Tilmaamay in la diyaariyey Ciidamo ka hortaga shaqsiyaadka hubka ka ganacsanaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here