Puntland oo diiwaan galisay Xaalado cusub oo Covid 19 ah.

Wasaarada Caafimaadka Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa maanta soo bandhigay natiijada dad looga shakisnaa Caabuqa Coronavirus oo labadii maalmood ee la soo dhaafay la baaray,kuwaasoo Wasaaradu sheegtay in qaarkood laga helay Cudurka.
Qoraal kasoo baxay Guddiga wacyigelinta iyo xakameynta Cudurka CoVID 19 u qaabilsan Puntland ayaa lagu sheegay in la baaray 25 qof Cudurkana laga helay 5 qof oo dhamaantood rag ah.
Guddiga ayaa waxaay sheegeen in dadka laga helay Cudurka COVID 19 ay kala joogaan Saddex Ruux Gobolada Nugaal, hal labada kale ay ku sugan yihiin Gobolka Bari ,isla markaana haatan ay ku jiraan xaalad karantiil ah.
Ugu dambeyn Guddiga Xakamaynta Covid 19 ee Puntland waxay sheegeen in tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee deegaanada Maamulkaas laga diiwaan geliyay ay gaartay 209 qof Halka 6 qof ay u geeriyoodeen xanuunka,waxaana ka bogsooday 56 Ruux oo ka mid ah dadkii Xanuunku haleelay.
Tirada la baaray ee laga helay Cudurka Coronavirus ee deegaannada Puntland kama mid ahan xaaladihii cusbaa oo ay shalay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya,hayeeshee Maanta la filayo inay Wasaaradda ku darto warbixinadeeda maalin laha ah.
Shalay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya waxay shaacisay 36 Xaaladoo oo cusub kuwaasoo 13 ka mid ah ay Somaliland joogaan,Koonfur Galbeed 10,Jubbaland 8, Benadir 4,Galmudugna uu 1 qof ku sugan yahay
30 ka mid ah dadka Xanuunka laga Helay ayaa Lab ahaa halka 6 dhadig ahaayeen sidoo kale waxay Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya shalay Shaacisay inay bogsaden 17 qof mana jirin wax cusub oo dhimasho ay Shalay Tabisay wasaarada Caafimaadka Soomaaliya.
Tirada Guud ee dadka cudurka Laga Helay Soomaaliya waa 2,452 dadka xanuunkaan ka soo Bogsaday waa 506 halka Dhimashada Guudna ay tahay 85 sida lagu sheegau warbixinta Maalin laha ah ee wasaarada caafimaadka iyo arimaha Bulshada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here