Puntland oo faahfaahisay Bandowga deegaanadeeda ka dhaqan galay.

Iyada oo xalay uu si rasmi ah uu guud ahaan deegaannada maamul goboleedka soomaaliyeed ee Puntland uga dhaqan galay bandowga ayaa Maamulka waxaa uu shaaciyey dad uusan saameyn doonin Bandowga.
Puntland ayaa Bandowga waxaa ay uga hortageysaa faafitaanka Cudurka COVID 19 oo kiisas kamid ah laag helay Soomaaliya in kastoo deegaannada Puntland aan laga helin cudurkaas.
Taliyaha Ciidamada Booliska Maamulka Puntland Janeraal Muxudiin Axmed Muuse oo Warabahinta kula hadley magaalada Garoowe ayaa sheegay in bandowga ay soo rogeen uu ka dhaqan galay deegaannada Puntland.
Waxaa uu xusay in Bandowga uunan saameyn doonin,gawaarida sida Badeecadaha iyo Daawooyinka,Wariyeyaasha iyo mas’uuliyiinta ka tirsan Maamulka.
Puntland ayaa Ciidamo farabadan waxaa ay dhigtay waddooyinka waaweyn ee Magaalooyinka Maamulkaas,waxaana bandowga uu yahay mid habeen walba bilaabanaya 6:00 Maqribnimo wuxuuna ku eg yahay 5:00 aroornimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here