Puntland oo faahfaahisay Dhibaatooyinka ka dhashay Covid 19

Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Garoomada Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Ilyaas Cusmaan (lugatuur)ayaa sheegay in Maamulka Puntland uu kamid yahay maamulada uu saameynta ugu ballaaran ku yeeshay Cudurka Safmareenka ah oo Coronavirus oo Caalamka dad badan ku dilay,sidoo kalena Soomaaliya laga helay kiisas kamid ah Cudurkaan.
Wasiirka oo la hadlay mid kamid ah Warbaahin ka howlgasha degaannada Maamulka Puntland ayaa sheegay in laga soo bilaabo Bishii Maarso ee snadkaan aysan Shaqeyn Saddexda Garoon ee ku yaalla degaannada Maamulka Puntland maadaama dowladda Soomaaliya ay sababo laxiriira COVID-19 u joojisay duulimaadyada Caalamiga ah iyo Xitaa Kuwa gudaha dalka Soomaaliya oo mudo la hakiyay.
Waxaa uu sheegay in saameynta dhaqaale ee ka dhashay Cudurka coronavirus ay Puntland la qabtay dalka Soomaaliya oo dhan iyo dunida inteeda kale maadaama dhamaan dalalka Caalamku ay joojiyeen isku socodka dhinaca Hawada ah si uusan Cudurku Bulshooyinka aduunka aad ugu Saamayn.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan si kala gooni gooni ah waxaay u furtay duulimaadyada Gudaha iyo Dibadda,waxaaana ay sheegtay in saameyn ballaaran oo dhinaca dhaqaalaha ah ay ku yeesheen xirnaanshihii duulimaadyada ee uu sababta u ahaa COVID-19 oo si Sahlan ugu dhexfiday Aduunyada dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here