Puntland oo ka hadashay dilka Taliyihii ciidanka Ilaadada Madaxtooyada

Madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa War-saxaafadeed uu soo saaray waxaa uu kaga hadlay dilka Magaalada Gaalkacyo loogu geystay Taliyihii Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Puntland Gaashaanle Sare Cismaan Cumar Maxamed iyo Saddex Xarigle Axmed Yuusuf Cabdi oo isma Saraakiisha Ciidanka ka Tirsanaa.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu tiiraanyada geerida Alle ha u naxariistee Taliyihii ciidanka Madaxtooyada Puntland Marxuum G. Sare Cismaan Cumar Maxamed iyo Saddex Xarigle Axmed Yuusuf Cabdi la wadaagayo dhammaan ciidamada qalabka sida ee Puntland, si gaar ah ciidanka Daraawiishta, gaar ahaan ciidanka Madaxtooyada, eheladii qoyskii iyo asxaabtii uu ka geeriyoodey Marxuumku.
sidoo kale waxaa lagu sheegay warka ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Puntland in Taliyihii Ciidanka Madaxtooyada Alle ha u Naxariistii uu ku geeriyoodey hawlgal ay ciidanka Madaxtooyadu saaka ka fuliyeen gudaha magaalada Gaalkacayo ee Xarunta gobolka Mudug oo ay kusoo qabteen mukhaadaraad iyo rag hubeysan oo ka Ganacsanayay.
Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay inuu inuu Sarkaalkaan ahaa shakhsi wanaagsan oo shaqo yaqaan ah, sarkaal daacad ah oo ku wanaagsan hogaaminta ciidanka, wuxuuna Alle u weydiiyey inuu naxariistii Janno ka Waraabiyo, dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan shacabka reer Puntland, ciidamada Qalabka sida, kuwa Madaxtooyada, ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay. Sidoo kale waxa uu Alle uga baryey Madaxweynuhu intii ku dhaawacantay howlgalkaas inuu u booga dhayo.
Ciidamada Booliska Gobolka Mudug ayaa howlgal ay ka sameeyeen waqooyiga Magaalada Gaalkacyo,waxay iska caabin kala kulmeen rag hubeysan oo ka Ganacsanayay Maandooriyaha Khamriga,taasoo sababtay inuu geeriyoodo Taliyihii Ciidanka Madaxtooyada Maamulka Puntland.
Ciidamada ayaa dagaal kooban kadib waxaa u suurtagashay inay Gacanta ku dhigaan 8 rag ah oo ahaa kuwii ka Ganacsanayay maandooriyaha oo mid kamid ah uu yahay dhaawac iyo hubkii ay wateen.
14-kii Bishii May ee sanadkaan ayaa Madaxweynaha Maamulka Puntland waxaa uu taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Maamulka Puntland u magacaabay Gaashaanle Sare Cismaan Cumar Maxmed oo Maanta ku dhintay dagaal ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Dhanka kale Ciidamada Booliska Gobalka Bari gaar Ahaan kuwa Degmada Carmo oo sameeyay howlgal lagu xaqiijinayay Amniga ayaa gacanta u Dhigay 75 Dhalo Khamri ah, kuwaasoo Saraakiishu sheegeen in la doonayay in la geliyo Magaladda Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
War kasoo baxay Booliska gobolka Bari ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu soo qabtay Khamriga ay Ciidamada kala Shaqeeyeen Odayaasha Dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Degmadda Carmo.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xusseen Cali Maxamuud ayaa u mahad celiyay Odayaasha Dhaqanka Carmo iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan ee ka qeyb qaadanaya howlgalada ay Wadaan Ciidamada amaanka.
wuxuu sidoo kale Taliyuhu digniin u diray dadka isticmaala Maandooriyaha Khamriga iyo kuwa ka Ganacsanaya,isagoo sheegay inay tallaabo adag ka qaadi doonaan.
Howlgalkaan ay Ciidamada Booliska Puntland ka sameeyeen Magaalada Carmo oo ay kusoo qabteen dhalooyinka Khamriga ayaa wuxuu kusoo aadayaa xilli Maanta howlgal lagula dagaalamayay Kooxo ka Ganacsada Maandooriyaha uu ku dhintay taliyihii Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Maamulka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here