Puntland oo ka hadashay weerar ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Rag hubeysan ayaa xalay waxaa ay weerar loo adeegsaday Bam gacmeed ku qaadeen saldhiga Bartamaha ee Waqooyiga Magaalada gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug,weerarkaas oo sababay khasaaro kala duwan sida ay warbaahinta gudaha Soomaaliya Baahisay.
Dad Goobjoogayaal ah ayaa waxaay sheegeen in weerarkaas ay ku dhaawacmeen laba Askari oo ka tirsan Ciidamada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland iyo Haweeney Shacab ah oo goobta ku sugneyd,sidoo kalena dadka weerarka fuliyey ay goobta isaga baxsadeen.
Weerarka kadib Ciidamada Booliska maamulka Puntland ee ku sugan Saldhiga ayaa waxaay xaafadaha ku dhow dhow Saldhiga ka fuliyeen howlgal aan weli la shaacin dadka lagu soo qabtay wallow uu mudo kooban socday.
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland Axmed Muuse Nuur ayaa sheegay in qaraxyada aysan ka dambeyn Al-Shabaab iyo Daacish midna balse ay yihiin kuwo siyaasadeysan oo la doonayo in lagu khalqal geliyo Amniga Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug sida uu hadalkiisa u dhigay.
Balse marka laga soo tago warka Gudoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland waxaa xusid mudan in weerarkaas ay mas’uuliyadiisa sheegteen dagaalameyaasha Al-Shabaab.
Wararkii ugu dambeeyey ee saakay naga soo gaaraya Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Muudg ayaa waxaay sheegayaan in xaaladu ay degan tahay,hayeeshee wadooyinka qaar lagu arkayo Ciidamada Booliska maamulka Puntland oo amaanka sugaya.
Gaalkacyo waxay ka mid tahay Magaalooyinka Soomaaliya ee falalka ugu badan ee amni darada ah laga soo tabiyo wallow waayadii danbe ay u muuqatay inay Magaalada Gaalkacyo amnigeedu soo hagaahayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here