Puntland oo Karaantiishay dad laga Shakiyay

An ambulance driver wearing protective gears walks near the isolation unit for the patients of the COVID-19 coronavirus at Martini hospital,in Mogadishu on March 29, 2020. - Somali government has suspended both local and international flights to curb the spreading the COVID-19 as they have confirmed 3 positive cases. (Photo by Abdirazak Hussein FARAH / AFP) (Photo by ABDIRAZAK HUSSEIN FARAH/AFP via Getty Images)

Masuuliyiinta maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa sheegay in la Karaantiilay shaqsiyaad looga shakiyay cudurka Covid 19 Walow aan lagu la xaqiijin inay dadkaasu cudurka qabaan balse baaritaano dheeraad ah lagu Samaynayo.
Guddiga ka hortagga iyo wacyi-gelinta xanuunka COVID-19 ee Puntland ayaa shaaciyey inay hada xarumaha karantiilka ku hayaan ilaa 7 Ruux oo looga shakiyey inay qabaan Cudurka COVID-19.
Guddiga ayaa waxaay ka codsadeen Shacabka qaybihiisa kala duwan ee ku nool deegaannada Maamulka Puntland in aysan qarsan Cudurka, hadii ay isaga shakiyaan ama ay isku arkaan waxkasta oo astaamihiisa ka mid ahna ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula xiriiraann xarumaha loogu tala galaya iyo dadka ku shaqada leh.
sidoo kale waxay Gudigu ku baariyeen bulshada in looga baahan yahay inay u hogaamsamaan dhamaan talooyinka Wasaaradda iyo Dhaqaatiirta Caafimaadka ee ku saabsan ka hortaga cudurka la tacaaladiisa iyo inay markasta feejignaadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here