Puntland oo Karaantiishay dad looga shakiyay cudurka Corona

Guddiga ka hortagga Cudurka COVID-19 u qaabilaan Maamulka Puntland ayaa shaaciyey in la helay kiisas Cusub oo Coronavirus ah sidoo kalena ay karantiileen dad looga shakiyey inuu Cudurku Saameeyay.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Maamul Goboleedka Soomaaliyeed Puntland Dr Jaamac Faarax ayaa sheegay inay karantiileen 10 Ruux oo looga shakisan yahay Cudurka,kuwaasoo baaritaan ay ku sameynayaan dhaqaatiirtu dhawaana ay jawaabta baaritaanada Shaacin doonaan.
Dadka laga halay Cudurka Coronavirus ee deegaannada Puntland ayaa Guddigu waxaay sheegeen inay gaareen 6 Ruux,kuwaasoo aan ka bixin deegaannada Maamulka Puntland.
Masuuliyiinta Maamulka Puntland ayaa shalay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal waxaay ka hirgelisay Sheybaar lagu baaro Cudurka Coronavirus,taasoo meesha ka saartay in dadka howlo baaritaano ah loogu qaado meelo kale taasoo culeys badan uu amrkii hore ka imaan jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here