Puntland oo shaaciyaya xaalado dheeraad ah oo Covid 19 ah

Guddiga wacyigelinta iyo xakameynta Cudurka Coronavirus u qaabilsan Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa ku dhawaaqay natiijada baaritaano lagu sameeyey dad lagu arkay astaamaha Cudurka,kuwaasoo qaarkood laga helay.
Qoraal kasoo baxay Guddiga oo uu Warbaahinta u Akhriyey Afhayeenka Madaxtoyada Puntland Jaamac dabaraani ayaa waxaa lagu sheegay in la baaray 24 Ruux waxaana laga helay Cudurka 13 ruux taasoo ka badan tiradii labadii maalmood ee la soo dhaafay Puntland laga shaaciyay.
Sidoo kale waxaa uu sheegay Afhayeenku in dadka Cudurka laga helay 5 ruux ay ku sugan yihiin magaalada Galkacyo ee xarunta Gobolka ee Mudug, 4 ruux Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari halka 4 ruuxta ee kalena ay joogaan Magaalada Garowe ee xarumta Gobolka Nugaal.
Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Tirada Dadka xanuunka laga helay deegaanada Maamulka Puntland ay gaartay guud ahaan 111 Ruux, waxaa dhintay 5 ruux sidoo kale waxaa ka bogsaday 3 Ruux.
Dhinaca kale Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaacisay in deegaannada Maamulkaas laga diiwaangeliyay 9 Kiis oo Cudurka Coronavirus qaba,kuwaasoo isugu jira 8 Rag ah iyo hal qof oo dumar ah.
Waxaay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed in dadkaasi 6 Ruux ay joogaan Magaalada Baydhabo 3 Ruuxna Magaalada Buurhakaba,waxaana Tirada Dadka xanuunka laga helay deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ay gaartay 33 Ruux.
Wasaarada caafimaadka iyo daryeelka Bulshada dowlada Soomaaliy waxay Shalay ku dawaaqday Xaalado cusub oo gaaraya 49 kuwaasoo tirade Guud ee dadka Xanuunka laga Helay guud ahaan dalka Soomaaliya ka dhigtay 1,219 qof sidoo kale waxaa soo kabsatay 130 qof halka dhimashadu ay tahay 52 sida ay wasaarada Caafimaadka Soomaaliya xaqiijisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here