Puntland oo sheegtay in qofkii ugu horeeyay deegaanadeeda ugu dhintay Covid 19

Wasaaradda Caafimaadka Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa faah faahin ka bixisay qofkii ugu horreeyey oo la sheegay inuu deegaanada Maamulkaas ugu geeriyooday Cudurka samareenka ah ee Coronavirus.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka maamulka Puntland Jaamac Faarax ayaa sheegay in qof kamid ah dad looga shakisanaa Cudurka COVID-19 oo ay baaritaan u direen dheecaan laga qaaday uu geeriyooday hayeeshee laga helay Cudurka Coronavirus.
Waxaa uu sheegay in qofkaasi uu ahaa Nin Da’ah oo kamid ahaa dadka ku nool Magaalada Galdogob ee Gobolka Mudug tan ay ka dhigan tahay in qofkii ugu horreeyey deegaannada Maamulka Puntland uu Cudurka Coronavirus ugu geeriyooday.
Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Jaamac Faarax waxaa uu intaasi ku daray in dadka ku nool deegaannada Maamulka Puntland ay yartahay ka feejignaantooda ku aadan Cudurka,balse ay bilaabayaan baaritaano badan si looga hortaggo faafintaanka Cudurka ee gudaha deegaanada Maamulkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here